Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo ka shiray amniga, fatahaadaha iyo adeegyada bulshada
Baydhabo, 17 Sebtembar 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga, maamulka, fatahaadaha…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Baydhabo, 17 Sebtembar 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga, maamulka, fatahaadaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Golaha Wasiirada ayaa si gaar ah uga hadlay xoojinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, si loo xaqiijiyo nabadgelyada shacabka.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo qaaday u diyaar-garowga fatahaadaha iyo saameynta El Niño, iyadoo la qiimeeyey qorshayaasha loogu talagalay ka hortagga iyo yareynta saameynta fatahaadaha iyo xaaladaha cimilada, gaar ahaan deegaannada ay bulshada ugu nugushahay.
Golaha ayaa sidoo kale ka dooday maamul-daadejinta iyo dardargelinta adeegyada dowladda, iyadoo xoogga la saaray sidii adeegyada aasaasiga ah loogu dhoweyn lahaa shacabka, loona xoojin lahaa hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Golaha Wasiirada kula dardaarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, lana dardar-geliyo qorshayaasha wax looga qabanayo baahiyaha shacabka iyo horumarinta adeegyada dowladda.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · koonfur · golaha · galbeed
Keep reading
Live story thread
Open live story