Shir looga hadlay amniga Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo
Baydhabo (Raxanreeb Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey shir looga hadlay xaaladda amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Baydhabo (Raxanreeb Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey shir looga hadlay xaaladda amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni ee magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo warbixinno laga dhageystay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha amniga ee ka qeybgalay shirka.
Hoggaamiyaha ayaa faray hay’adaha amniga in la xoojiyo wada-shaqeynta, feejignaanta iyo howlaha lagu sugayo amniga shacabka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ilaalinta nabadgelyada iyo badqabka bulshada.
Sidoo kale waxaa shirka lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada amniga ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha oonfur Galbeed ayaa ku boorriyey hay’adaha amniga in ay sii laba-jibaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida, isla markaana shacabka ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiisha kala duwan hay’adda amniga ee ka howlgala deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
The post Shir looga hadlay amniga Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo appeared first on Raxanreeb Online .
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Raxanreeb Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · koonfur · baydhabo · galbeed
Keep reading
Live story thread
Open live story