Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka. Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ko

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyey howlaha guddiga, qaab-dhismeedkiisa iyo habka uu u shaqeeyo, shuruucda uu gacanta ku hayo, iyo sidoo kale marxaladaha kala duwan ee ay marayaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Guddiga ku bogaadiyey shaqada ay u hayaan Qaranka, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, gaar ahaan la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee ay kormeerka ku leeyihiin, iyo ilaalinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadda guud ee dalka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.