Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, oo ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryam Qasim.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, oo ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryam Qasim.
Kulanka ayaa looga hadlay hawlaha iyo waajibaadka Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, iyadoo Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu bogaadiyey dadaallada guddigu ugu jiro ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha qaranka, gaar ahaan iskaashiga u dhexeeya Golaha Shacabka iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddiga ku boorriyey in howlaha iyo waxqabadka uu qabto si joogto ah loola wadaago Golaha Shacabka, si loo xoojiyo isla-xisaabtanka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · kulan · qaatay · insaanka
Keep reading
Live story thread
Open live story