Wasiirka Warfaafinta oo Kulan la Qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya
Muqdisho — Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNDP), Mudane Christophoros Politis.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho — Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNDP), Mudane Christophoros Politis.
Wakiilka UNDP ayaa markii uu soo gaaray xarunta Wasaaradda waxaa soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale. Waxa uu sidoo kale booqday xarumaha Warbaahinta Qaranka iyo kaydka taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo uu ku soo indha-indheeyey shaqada ka socota xarumahaasi iyo dadaallada lagu ilaalinayo dhaxalka taariikhiga ah ee warbaahinta Soomaaliya.
Kulanka Wasiirka iyo Wakiilka UNDP ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee Wasaaradda iyo UNDP, iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi joogto ah oo taageera mudnaanta Wasaaradda ee dhinacyada warbaahinta, xiriirka istiraatiijiga ah, wacyigelinta dadweynaha, dhaqanka iyo dalxiiska.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay iskaashi ku saabsan horumarinta awoodda warbaahinta, wacyigelinta iyo jiheynta dadweynaha, taageerada warbaahinta iyo wacyigelinta doorashooyinka, ka-hortagga wararka been-abuurka iyo marin-habaabinta, la-dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata (PCVE), iyo horumarinta iyo dhiirrigelinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya.
Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in wada-hadallada labada dhinac loo beddelo iskaashi farsamo oo la taaban karo, iyadoo la dejinayo mudnaanta, qorshaha fulinta iyo hannaan joogto ah oo lagu isku-duwo wada-shaqeynta Wasaaradda iyo UNDP. Labada dhinac ayaa isku afgartay in la sii ambaqaado wada-hadallada farsamo, si fursadaha iskaashi ee la isla gartay loogu beddelo barnaamijyo iyo hawlo wax-ku-ool ah.
Kulanka waxaa dhinaca Wasaaradda ka qeyb galay Agaasimaha Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Cabdishakuur Cali Axmed iyo Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Ismaaciil Mukhtaar Cumar. Dhinaca UNDP waxaa kulanka ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan qeybaha Xiriirka Dowladda, Siyaasadda iyo Warbaahinta.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · kulan · wakiilka · wasiirka
Keep reading
Live story thread
Open live story