Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO
Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi Xildhibaano ah oo ay hoggaamineyso ayaa gaartay Magaalada Baydhabo ee caasimadda Kmg ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyey Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nu

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi Xildhibaano ah oo ay hoggaamineyso ayaa gaartay Magaalada Baydhabo ee caasimadda Kmg ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyey Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Magaalada Baydhabo uga qeyb geli doonta xafladda caleemasaarka hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmaha soo socda qabsoomi doonta.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.