Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Addis Abab kulan ku yeeshay
El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya – AUSSOM, ayaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, mudane Mahmoud Ali Youssouf, uga warbixiyay fulinta howsha AUSSOM iyo horumarradii ugu dambeeyay iyo kuwa haatan ka socdaba. Guddoomiyuhu wuxuu amaanay AUSSOM dadaalkeed

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya – AUSSOM, ayaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, mudane Mahmoud Ali Youssouf, uga warbixiyay fulinta howsha AUSSOM iyo horumarradii ugu dambeeyay iyo kuwa haatan ka socdaba.
Guddoomiyuhu wuxuu amaanay AUSSOM dadaalkeeda joogtada ah ee ku aaddan nabadda, amniga iyo xasilinta Soomaaliya, isagoo xusay iskaashiga dhow ee Hawlgalka la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, horumarinta dadaallada xasilinta, xoojinta hay’adaha dowladda, iyo taageeridda kala-guurka tartiib-tartiibta ah ee mas’uuliyadda amniga ee loo wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed.
Sida lagu qoray Bogga Africa Union, Wuxuu ammaanay geesinimada, xirfadda & naf-hurnimada Dumarka iyo Ragga AUSSOM, isagoo mar kale caddeeyay sida midowga Afrika AU uga go’an tahay taageerida safarka Soomaaliya ee ku aaddan nabad waarta, xasillooni & isku filnaansho.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.