Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wada-tashi iyo wacyigelin ah
Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin ah oo ku saabsan fududeynta hirgelinta adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee dadka ku safraya gudaha dalka. Kulanka waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday shirkadaha diyaaradaha iyo shirkadaha duulimaadyada gudaha, kuwaas oo kala hadlay d

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin ah oo ku saabsan fududeynta hirgelinta adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee dadka ku safraya gudaha dalka.
Kulanka waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday shirkadaha diyaaradaha iyo shirkadaha duulimaadyada gudaha, kuwaas oo kala hadlay doorka ay ku leeyihiin xaqiijinta aqoonsiga rakaabka ka hor inta aan loo oggolaan inay safraan.
Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay xog-ururin muujinaysa muhiimadda ay leedahay in dhammaan dadka isaga kala gooshaya gobollada dalka lagu xaqiijiyo xogtooda rasmiga ah, taas oo uu fududeynayo adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ayaa shirkadaha diyaaradaha ka codsaday in qof kasta oo tigidh loo jarayo marka hore laga hubiyo inuu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isla markaana aan loo oggolaan safar qof aan wadan kaarkaas.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.