Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD
Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ay si wadajir ah u hoggaaminayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın, kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo. Kulanka [̷

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ay si wadajir ah u hoggaaminayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın, kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud ee Dowladda Koonfur Galbeed, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada dowladda Koonfur Galbeed iyo TURKSOM.
Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda Baydhabo, isagoo bogaadiyey doorka Ciidanka Xoogga Dalka iyo TURKSOM ay ku leeyihiin tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, horumarinta awoodda difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga shacabka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın ayaa xaqiijiyey inay sii wadi doonaan taageerada ay ku garab taagan yihiin Dowladda Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo amniga, loona dardargeliyo howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.