Jabuuti oo gargaar u qaybisay qoys oo ka soo cararay colaadda Wadanka Yemen
Dowladda Jabuuti ayaa gargaar u qaybisay in ka badan 700 oo qoys oo qaxooti Yemeniyiin ah oo ku nool gobolka Obock, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Jimco 18 Sep 2026 {HMC} Dowladda Jabuuti ayaa gargaar u qaybisay in ka badan 700 oo qoys oo qaxooti Yemeniyiin ah oo ku nool gobolka Obock, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI. Gargaarka waxaa qaybiyay Midowga Haweenka Qaranka Jabuuti ee UNFD, waxaana ka faa’iidaystay 2,799 qof oo ay ku jiraan carruur, haween iyo rag ka soo qaxay dagaalka Yemen.
Kaalmadan oo ay bixisay Marwada Koowaad ee Dalka Jabuuti, ahna guddoomiyaha UNFD, Khadra Maxamuud Xayd, waxay ka koobnayd bustayaal, xijaabyo, maacuunta jikada, dhar, kabo iyo agabka nadaafadda.Wafdi ay hoggaaminaysay Xoghayaha Guud ee UNFD, Fatouma Moussa Abdi, ayaa qalabka ku wareejiyay qaxootiga Khamiistii.
Munaasabadda qaybinta waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha gobolka Obock Moussa Aden Miganeh, madaxa golaha gobolka Mohamed Houmed Ismail iyo guddoomiyaha laanta UNFD ee gobolka Fatoum Houmed.
Dalka Jabuuti ayaa martigelinaysa qaxooti Yemeniyiin ah oo ka soo gudbay marin-biyoodka Baabul Mandab, iyagoo ka cararaya dagaalka muddada dheer ka socda dalkooda.
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · gargaar · qoys · jabuuti
Keep reading
Live story thread
Open live story