Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee lagu beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ah dal walaalo ah isla markaana ah saaxiib U dhaw Dowladda Soomaaliya. Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda ku aaddan badqabka dadka rayidka ah, waxayna mar kale xaqiijineysaa garab istaaggeeda

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee lagu beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ah dal walaalo ah isla markaana ah saaxiib U dhaw Dowladda Soomaaliya.
Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda ku aaddan badqabka dadka rayidka ah, waxayna mar kale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee Boqortooyada, iyadoo taageereysa dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Boqortooyada.
Soomaaliya waxay taageereysaa dhammaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka si nabad ah, waxayna ku baaqeysaa is xakameyn si looga hortago sii hurinta xiisadaha.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay sii wadi doontaa la shaqeynta iyo isku duwidda dadaallada ay la leedahay saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga gobolka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.