Kaaliyaha Guutada 77-aad oo kormeer shaqo ku tegay degmada Balcad
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Balcad, Shabeellaha Dhexe – Kaaliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le Dhexe Axmed Iidle Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tegay fariisimaha Ciidanka ee Guutada 77-aad Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, kuwaas oo ka howlgala degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd la socodka xaaladda amni iyo qiimeynta howlaha ay Ciidamadu ka wadaan degmada, iyadoo G/le Dhexe Axmed Iidle Jaamac uu warbixinno ka dhageystay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Ciidanka ee ku sugan halkaasi.
Saraakiisha ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee amniga iyo howlaha ay Ciidamadu u xilsaaran yihiin, iyadoo lagu adkeeyay xoojinta sugidda amniga iyo feejignaanta Ciidanka, si loo xaqiijiyo amniga iyo kala dambeynta.
Kaaliyaha Guutada 77-aad ayaa sidoo kale faray Ciidanka in ay sii xoojiyaan howlahooda amni, maadaama sugidda amniga degmooyinka iyo deegaannada ku dhow caasimadda Muqdisho ay muhiim u tahay xasilloonida iyo badqabka bulshada.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah howlaha joogtada ah ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ku xaqiijinayo diyaar-garowga Ciidanka, habsami-u-socodka howlaha iyo sugidda amniga goobaha ay ka howlgalaan.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · kormeer · balcad · degmada