Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta furmaya
Waxaa maanta Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ka furmaya Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada Labada Aqal ayaa hore loogu wargeliyay in maanta oo ku beegan 1-da Agoosto uu si rasmi ah u furmayo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha JFS,

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Waxaa maanta Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ka furmaya Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada Labada Aqal ayaa hore loogu wargeliyay in maanta oo ku beegan 1-da Agoosto uu si rasmi ah u furmayo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furi doona kalfadhiga, isagoo munaasabadda ka jeedin doona khudbad.
Kalfadhigan 8-aad waxaa horyaalla ajande ay ka mid yihiin ansixinta sharciyo muhiim ah iyo gudashada waajibaadyo kale oo horyaalla Baarlamaanka, waxaana Si ku-meel-gaar ah u sii wada shaqada Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, kaddib markii uu xilka baneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo loo doortay Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.