Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka Tacsiyeeyay Geerida ku Timid Fannaan C/laahi Boqol
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay tacsi t

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Al-fanaan C/laahi Boqol oo ka tirsanaa fanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.
Allaha u naxariistee Marxuum C/laahi Boqol waxa uu ka mid ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda sida aadka ugu shaqeeyey wacyi gelinta iyo baraarujinta Umadda Soomaaliyeed waxaana uu ku geeriyooday xalay dalka Canada.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/fitaax Qaasim Maxamuud ayaa marxuumka Alle uga baryey naxariistiisa jano in uu siiyo, inagana samir iyo iimaan Alle inaga wada siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.