Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho kula kulmay safiirka Ingiriiska
Muqdisho – Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya, Amb.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho – Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya, Amb. Charles King, Madaxa Horumarinta Chris Pycroft iyo Madaxa Xiriirka Siyaasadda Chris Barker.
Kulanka ayaa looga wada hadlay sii wadista taageerada Dowladda Ingiriiska iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee deegaanada Hirshabeelle, iyo sidoo kale hirgelinta mashruuca weyn ee biyo-xireenka Sabbuun (JOSP).
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay mashaariicda wax-ku-oolka ah ee ay ka fulisay deegaanada Hirshabeelle, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Madaxtooyadda iyo Xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle oo soo gaartay heer gabagabo ah.
“Waxaa naga go’an in aan waddo kasta u marno hirgelinta mashruuc walba oo waxtar u leh bulshadeenna. Dowladda Ingiriiskana waan uga mahadcelinayaa taageerada ay la garab taagan tahay Hirshabeelle,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, iyadoo taageero ka geysata mashaariicda horumarineed iyo dadaallada lagu xoojinayo adeegyada bulshada.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · hirshabeelle · ingiriiska · kula
Keep reading
Live story thread
Open live story