Rw Xamse oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistaan
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz, oo…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho, 22 Sep 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz, oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinaca difaaca, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kobcinta awooddiisa, iyo horumarinta tababarka iyo tayada ciidanka, si loo dardargeliyo dadaallada lagu dhisayo awood difaac oo cirka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey wafdiga Dowladda Pakistan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo muhiim u ah sii xoojinta iskaashiga labada dal. Waxa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn uga shaqaynayso dhismaha, tababarka, tayaynta iyo qalabaynta Ciidanka Soomaaliyeed, xilli uu dalku ku jiro dadaallo dib loogu soo celinayo awoodda iyo tayada ciidanka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo taageerada dhinaca difaaca, gaar ahaan horumarinta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo guud ahaan tayaynta hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · difaaca · taliyaha · cirka
Keep reading
Live story thread
Open live story