Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Madaxweyne Cagjar oo Sheegay Halganka shacabka Soomaalida in aysan cid gaar ah sheegan karin.
Axad 12 Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanka Soomaalidu ay muddo dheer soo mareen halgan isdaba joog ah oo ay ku doonayeen xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadda. Madaxweyne Mustafe ayaa qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook ku sheegay in kumannaan qof ay naftooda iyo laxaadkooda […] The p

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Axad 12 Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanka Soomaalidu ay muddo dheer soo mareen halgan isdaba joog ah oo ay ku doonayeen xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadda.
Madaxweyne Mustafe ayaa qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook ku sheegay in kumannaan qof ay naftooda iyo laxaadkooda ku waayeen halgannadii kala duwanaa ee loo galay xuquuqda shacabka, isaga oo xusay in shacabka laftoodu ay ahaayeen kuwa ugu badan ee dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay halgannadaas qaaday.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay jirin sabab dood looga dhigo in halgannadii shacabka ay sax ahaayeen ama khalad, maadaama sida uu sheegay, urur keliya aanu si gaar ah u wadin halganka, balse shacabka ay qayb weyn ku lahaayeen oo ay khasaaraha ugu badan qaadeen.
Waxa uu sidoo kale dhaliilay shaqsiyaad sheegta inay si gaar ah ugu suntan yihiin halgankii shacabka, isaga oo sheegay in dad badan oo aan wax urur ah ka tirsanayn ay ku waayeen eheladooda halgannadii hubaysnaa.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.