Madaxweyne Sisi oo madaxa hay’adda CIA-da u gudbiyey farriin la xiriirta Soomaaliya
Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa mar kale xaqiijiyey taageerada dalkiisa ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib kulan uu Qaahira kula yeeshay agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, John Ratcliffe.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa mar kale xaqiijiyey taageerada dalkiisa ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib kulan uu Qaahira kula yeeshay agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, John Ratcliffe.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Masar, labada dhinac ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladda Soomaaliya, ammaanka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinaca sirdoonka iyo la-dagaallanka argagixisada.
Madaxweyne Sisi ayaa kulanka ku sheegay in Masar ay si buuxda u taageersan tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo mar kale caddeeyey in Qaahira ay si adag uga soo horjeedo tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madax-bannaanida ama midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Agaasimaha CIA-da John Ratcliffe ayaa dhankiisa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Mareykanka iyo Masar ay sii xoojiyaan wada-shaqeyntooda ku saabsan Soomaaliya, Sudan, guud ahaan Geeska Afrika iyo ammaanka marin-biyoodka caalamiga ah.
Madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in iskaashiga labada dhinac uu sidoo kale ku saabsan yahay la-dagaallanka kooxaha argagixisada, dambiyada abaabulan iyo khataraha kale ee amni ee ka jira gobolka, iyadoo ay barbar socoto is-weydaarsiga xogaha iyo qiimeynta sirdoonka.
Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli xiriirka amni iyo difaac ee Soomaaliya iyo Masar uu sii xoogeysanayo.
Isla maalintaas, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho kula kulmay safiirka Masar iyo wafdi militari oo ka socday dalkaas, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga.
Soomaaliya iyo Masar ayaa sanadihii u dambeeyey sare u qaaday xiriirkooda militari iyo siyaasadeed. Bishii Janaayo 2025 ayay labada dowladood xiriirkooda gaarsiiyeen heer iskaashi istiraatiiji ah, taas oo daba socotay heshiis iskaashi militari oo ay saxiixeen bishii Agoosto 2024.
Heshiisyadaas ayaa diiradda lagu saaray tababarka ciidamada, taageerada milatari, la-dagaallanka argagixisada iyo dib-u-dhiska awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Masar ayaa sidoo kale kamid ah dalalka taageeraya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo Qaahira ay dhowr jeer ku celisay inay garab taagan tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga, madax-bannaanida iyo midnimada dalka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · soomaaliya · sisi · cia
Keep reading
Live story thread
Open live story- Masar oo Mareykanka kala hadashay ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya
Goobjoog Somali
- Pope-ka Kaniisadda Kaatooliga ah oo ku baaqay in la taageero Soomaaliya, isagoo walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadannimo
Goobjoog Somali
- Dawladda soomaaliya oo amar culus dul dhigtay bahda caafimaadka
Goobjoog Somali