Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
NEW YORK — 22 Sebtembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
NEW YORK — 22 Sebtembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa madasha Golaha Guud kaga hadlaya horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigaya mudnaanta Soomaaliya iyo dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.
Ka qaybgalka Madaxweynaha ee kulanka ayaa qayb ka ah howlaha Soomaaliya ee shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo madaxda dalalka adduunku ay magaalada New York kaga arrinsanayaan arrimo ay ka mid yihiin nabadda, amniga, horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · guud · qayb · qaramada
Keep reading
Live story thread
Open live story- WAR DEG DEG AH:Madaxwayne Dani oo ka codsaday Qaramada Midoobay in Puntland ay ka godo Soomaaliya
Hiiraanweyn
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Filayo inuu Khudbad ka Jeediyo Golaha Guud ee QM
Shabelle Media
- “Lama qaybin karo dalka Soomaaliya iyo dadkiisa” Wasiirka Howlaha-guud Soomaaliya Ayuub Ismaaciil:
Hiiraanweyn