Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulamo Dhinacyo ah la Qaatay Hoggaamiyeyaal Caalami ah
New York – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo dhinacyo ah kula yeeshay madax iyo hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka qeybgalaya Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
New York – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo dhinacyo ah kula yeeshay madax iyo hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka qeybgalaya Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Serbia, Mudane Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Mudane Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe, Mudane Emmerson Dambudzo Mnangagwa, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Pakistan, Mudane Muhammad Shehbaz Sharif.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalkaasi, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay arrimo la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dhinacyadu.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay la wadaagay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada nabadda iyo amniga, dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay hoggaamiyeyaasha fursadaha jira ee lagu xoojin karo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka ay metelaan, gaar ahaan dhinacyada ay labada dhinac danaha wadajirka ah ka leeyihiin.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · dhinacyo · sheekh · hoggaamiyeyaal
Keep reading
Live story thread
Open live story