Xasan Sheekh oo kulan miro-dhal New York kula yeeshay Frank Garcia + Sawirro
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mudane Frank Garcia.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mudane Frank Garcia.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimaha mudnaanta u leh labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Frank Garcia ayaa sidoo kale is-weydaarsaday aragtiyo ku aaddan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada kala duwan.
Wada-hadallada ayaa lagu soo qaaday danaha ay labada dal wadaagaan iyo muhiimadda ay leedahay in la sii horumariyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Mareykanka taageerada dhinaca amniga, oo qeyb ka ah iskaashiga labada dal, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista taageeradaasi.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada New York uga qayb-galay Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota xarunta Qaramada Midoobay ee magaaladaas ee dalka Mareykanka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · garcia · miro · sheekh
Keep reading
Live story thread
Open live story