Madaxweyne Xasan Sheekh oo New York kula kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika
New York, Sebteembar 23, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
New York, Sebteembar 23, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mudane Frank Garcia.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha mudnaanta u leh labada dal iyo danaha ay wadaagaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka, si loo horumariyo xiriirka labada dal iyo danaha ay wadaagaan.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · york · mareykanka · new
Keep reading
Live story thread
Open live story- Madaxweyne Xasan oo New York kula kulmay madax kala duwan oo ka qeyb galeysa Shirka QM
Raxanreeb Online
- Wararkii ugu dambeeyay kulamada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado New York + Sawirro
Caasimada Online
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo New York kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, iyo Madax kale
Hiiraanweyn