Madaxweyne Xasan Sheekh oo New York Kulamo gaar gaar ah kula Yeeshay Hoggaamiyeyaal Caalami ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić, Madaxweynaha…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Dambudzo Mnangagwa iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Muhammad Shehbaz Sharif.
Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalkaasi, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha wadajirka ah .
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda uu la kulmay la wadaagay horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada nabadda iyo amniga, dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada .
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulamada ku soo bandhigay fursadaha iskaashi ee Soomaaliya ay la yeelan karto dalalkaasi, gaar ahaan dhinacyada danaha labada dhinac iyo iskaashiga caalamiga ah.
Kulamadan ayaa ka mid ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ka wado magaalada New York, halkaas oo ay ka socdaan kulamo iyo hawlo la xiriira ajendayaasha caalamiga ah.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · xasan · kula · kulamo
Keep reading
Live story thread
Open live story- Madaxweyne Xasan Sheekh oo New York kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, iyo Madax kale
Hiiraanweyn
- Madaxweyne Xasan oo New York kula kulmay madax kala duwan oo ka qeyb galeysa Shirka QM
Raxanreeb Online
- Wararkii ugu dambeeyay kulamada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado New York + Sawirro
Caasimada Online