Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu wargelisay Midowga Afrika inay joojin doonto taageerada ay siiso…

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu wargelisay Midowga Afrika inay joojin doonto taageerada ay siiso…
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu wargelisay Midowga Afrika inay joojin doonto taageerada ay siiso Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), marka uu dhammaado muddada howlgalka AUSSOM ee 31-ka December 2026. Go’aankan adag ayay Washington ku sababeysay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay horumar muuqda ka sameyso dagaalka Al-Shabaab, isla markaana ay la wareegto mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo muddo ka badan toban sano helaysay taageero caalami ah oo hagar-la’aan ah.
Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026, ayaa lagu caddaynayaa in Washington aysan taageeri doonin cusboonaysiinta muddo-xileedka UNSOS, ama nooc kasta oo taageero saadka iyo howlgalka ah oo ay Qaramada Midoobay siiso AUSSOM wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan. Mareykanka wuxuu caddeeyay inuusan diidaneyn in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kordhiyo waajibaadka AUSSOM, haddii uu Midowga Afrika doonayo inuu sii wado howlgalka, balse wuxuu hoosta ka xariiqay inuusan marnaba bixin doonin dhaqaalaha ku baxa taageerada UNSOS.
Qoraalka rasmiga ah ee ka soo baxay Mareykanka waxaa sidoo kale lagu xusay in khilaafaadka siyaasadeed, dib u dhacaya doorashadda iyo loollanka gudaha dalka ka jira ay si weyn u wiiqeen dagaalkii ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, taasna ay keentay in horumarka dhanka amniga ah uu noqdo mid aad u xaddidan.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Horseed Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.