Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Masar oo Soomaaliya ugu hambalyeysay sannad-guurada 1-da Luulyo
Qaahira – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Madaxtooyada Masar, Axmed Ridha, oo uu ka guddoomay dhambaal hambalyo ah oo Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, ugu diray Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luul

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Qaahira – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Madaxtooyada Masar, Axmed Ridha, oo uu ka guddoomay dhambaal hambalyo ah oo Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, ugu diray Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo.
Dhambaalka Madaxweynaha Masar ayaa lagu muujiyay hambalyo ku aaddan sannad-guurada maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya, iyadoo la adkeeyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Dhanka kale, Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa Xoghayaha Madaxtooyada Masar u gudbiyay salaan iyo hambalyo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u diray Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, iyo shacabka Masar, munaasabadda 13-aad ee Kacaanka 30-ka Juun.
Safiirka Soomaaliya ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isaga oo xusay in labada dal ay ka go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.