Mataano Soomaali ah oo laga soo musaafurinayo dalka Sweden iyo sababta ka dambeysa
Sweden ( Raxanreeb Online) Laba mataano Soomaali ah oo 22 jir ah ayaa wajahaya in laga masaafuriyo dalka Sweden, iyadoo loo qorsheynayo in dib loogu celiyo Soomaaliya.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Sweden ( Raxanreeb Online) Laba mataano Soomaali ah oo 22 jir ah ayaa wajahaya in laga masaafuriyo dalka Sweden, iyadoo loo qorsheynayo in dib loogu celiyo Soomaaliya.
Labada mataanaha ah ayaa la sheegay inay muddo ku noolaayeen Sweden, halka hooyadood iyo qaar ka mid ah walaalahood ay weli ku nool yihiin dalkaas.
Sida ay sheegtay Alia, iyada iyo walaalkeed waxaa markii hore loo sheegay inay u socdaan kulan, balse markii dambe waxaa loo qaaday xarunta lagu hayo dadka sugaya masaafurinta, iyadoo aan loo oggolaan inay qaataan dhar ama alaabtooda gaarka ah.
Go’aanka masaafurinta ayaa walaac ku abuuray qoyska, iyadoo qaraabadu ay ka cabsi qabaan in kala-tegidda qoyska ay saameyn ku yeelato labada dhalinyarada ah.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Sweden ay si adag u waddo siyaasadaha la xiriira socdaalka iyo dadka aan haysan sharci rasmi ah oo ay dalka ku joogaan.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Raxanreeb Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · mataano · laga · sweden