Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug
Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii doorashadii isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed. Maxkamaddu, kaddib markii ay dhageysatay dhinacyada dacwadda isla markaana ay qiimeysay doodaha iyo caddeymaha la hor keenay, waxay go’aamisay in doorashad

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii doorashadii isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed.
Maxkamaddu, kaddib markii ay dhageysatay dhinacyada dacwadda isla markaana ay qiimeysay doodaha iyo caddeymaha la hor keenay, waxay go’aamisay in doorashadii dhacday 30-kii Luulyo 2026 aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadeedu aysan lahayn jiritaan sharci ah.
Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale amartay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha inuu waqtiga ugu dhow ee macquulka ah qabto doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug, iyadoo la dhowrayo Dastuurka, Sharciga Doorashooyinka iyo xeerarka khuseeya.
Dhanka kale, iyadoo la tixgelinayo danta guud iyo joogtaynta adeegyada dowladnimo, Maxkamaddu waxay amartay in hay’adaha hadda jira ay sii hayaan xilalkooda inta laga helayo hay’ado cusub oo ku yimaada doorasho waafaqsan sharciga.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.