Maydad, dhaawacyo iyo gaadiid ciidan oo lagu soo bandhigay Baydhabo
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo dagaal culus oo saaka gudaha magaalada Baydhabo ku dhex-maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, kuwaas oo magaalada soo weeraray. Dagaalka oo socday ku dhawaad 30 daqiiqo ayaa ugu dambeyn lagu kala baxay, iyada oo la […] The pos

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo dagaal culus oo saaka gudaha magaalada Baydhabo ku dhex-maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, kuwaas oo magaalada soo weeraray.
Dagaalka oo socday ku dhawaad 30 daqiiqo ayaa ugu dambeyn lagu kala baxay, iyada oo la jabiyay ciidamadii weerarka soo qaaday oo dib uga laabtay magaalada, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kae Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa goordhow soo bandhigay maydad, dhaawacyo iyo gaadiid ay sheegeen inay ka qabsadeen ciidamada dagaalka soo qaaday ee saaka weeraray Baydhabo.
Muuqaal la baahiyay ayaa sidoo kale muujinayo ciidamada Xoogga dalka oo kor saaran gaari uu ku xiran yahay qori suug ah oo laga qabsaday ciidamada daacadda u ah Laftagareen, isl muuqaal kale oo baahay ayaa muujinayo maydad dhulka daadsan iyo askar dhaawac ah oo iyana gacanta lagu hayo.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.