Translation being prepared
The reader translation for this story is still being prepared. The original source text is available below.

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
MUQDISHO — Midowga Yurub ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada lagu xallinayo muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo ay weli jiraan xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro , ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir joogto ah la leeyahay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isla markaana uu dhiirrigelinayo wada-hadalka sidii waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka jira. “Ma qaadanno mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo. Waxa aan dhiirrigelinaynaa waa wada-hadal,” ayay tiri Danjire Di Mauro, iyadoo xustay in Midowga Yurub uu aaminsan yahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-xaajood iyo heshiisyo wax ku ool ah. Waxay sheegtay in wada-hadallo u dhexeeya dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ay jireen kahor intii aysan imaan Soomaaliya bishii Sebtembar ee sanadkii hore, iyadoo tilmaantay in doorka Midowga Yurub uu yahay inuu sii wado xiriirka iyo dhiirrigelinta wada-xaajoodka. Danjiraha ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu rajeynayo in dhammaan dhinacyada siyaasadeed ay ka qeyb galaan wada-hadallada marka dib loo bilaabo, si loo gaaro natiijooyin la taaban karo oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya. “Waxaan rabaa inaan ka faa’iideysto fursaddan si aan mar kale u caddeeyo inaan rajeynayno in wada-hadalladu si dhaqso leh dib ugu bilowdaan si loo helo waddo horay loogu socdo oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya,” ayay u sheegtay Dawan Media. Baaqa Midowga Yurub ayaa imanaya iyadoo Soomaaliya ay weli ka taagan yihiin muranno siyaasadeed oo la xiriira nooca doorashooyinka, doorka saamileyda siyaasadeed iyo baahida loo qabo is-afgarad u dhexeeya dowladda federaalka, mucaaradka iyo dowlad goboleedyada.
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro , ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir joogto ah la leeyahay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isla markaana uu dhiirrigelinayo wada-hadalka sidii waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka jira.
“Ma qaadanno mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo. Waxa aan dhiirrigelinaynaa waa wada-hadal,” ayay tiri Danjire Di Mauro, iyadoo xustay in Midowga Yurub uu aaminsan yahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-xaajood iyo heshiisyo wax ku ool ah.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.