Mucaaradka Oo Wada Abaabullo Hordhac U Ah Dibadbax La Filayo Inuu Ka Dhaco Muqdisho
Muqdisho – Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay saakay ku waabariisaytay iyada oo xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo iyo abaabullo la xiriira dibadbax ballaaran oo la qorsheynayo inuu ka dhaco caasimadda maalinta Khamiista. Mas’uuliyiinta mucaaradka ee ku lug leh abaabulladan waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyo […]

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay saakay ku waabariisaytay iyada oo xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo iyo abaabullo la xiriira dibadbax ballaaran oo la qorsheynayo inuu ka dhaco caasimadda maalinta Khamiista.
Mas’uuliyiinta mucaaradka ee ku lug leh abaabulladan waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyo ra’iisul wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre.
Sida ay tilmaamayaan wararka la helayo, abaabullo siyaasadeed iyo kulamo isdaba joog ah ayaa ka socda degmooyin ka tirsan Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka ku dhow xarumaha muhiimka ah ee dowladda. Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegay in ammaanka la adkeeyay goobaha ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
Dibadbaxa la qorsheynayo ayaa inuu salka ku hayo cabashooyin ay mucaaradku ka qabaan siyaasadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan arrimo la xiriira geeddi-socodka muddo xileedkaii ee dhaamaday eek 15kii bishii maysiyaasadeed, maamulka dalka iyo eedeymo ku saabsan barakicinta shacabkii deggenaa xaafado ka tirsan Muqdisho.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan