Muxuu Cabdirashiid Janan ka wadaa Beledxaawo?
Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland ahna hoggaanka guud ee amniga maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa howlo lagu xaqiijinayo amniga gobolka Gedo ka wada magaalada Beledxaawo, halkaasi oo uu ka…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland ahna hoggaanka guud ee amniga maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa howlo lagu xaqiijinayo amniga gobolka Gedo ka wada magaalada Beledxaawo, halkaasi oo uu ka qabsoomay kulan looga hadlayo xaaladda amni ee gobolka.
Kulanka uu Janan guddoomiyay ayaa diirada lagu saaray xaaladda nabadgelyada Gedo iyo tallaabooyinka la xiriira amniga deegaanada gobolka, waxaana ka qeyb-galay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, booliska iyo maamulka degmada Beledxaawo.
Janan ayaa kulanka ka sheegay in heshiiskii nabadeed ee ay gaareen dhinacyadii ku kala aragti duwanaa arrimaha Gedo uu marayo heer gaba-gabo ah, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo xasilloonida iyo nabadda deegaanka.
Arrinta kale ee uu si gaar ah u dul istaagay ayaa ahayd ciidamada ku sugan deegaanka Cumar Jilicoow, kuwaas oo uu faray ciidamada kale in aan lala hadlin ama dhibaato loo geysan haddii ay magaalada Beledxaawo yimaadaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale ciidamada ku amray inay si buuxda ugu diyaar garoobaan xaalad kasta oo amni, taas oo qeyb ka ah qorshaha lagu wajahayo dhaq-dhaqaaqyada cusub ee ka socda gobolka Gedo.
Sidoo kale, Janan ayaa faray ciidamada inay isu diyaariyaan dhaqaaq ku wajahan magaalada Doolow ee Soomaaliya, xilli dowladda iyo maamulka degmadaasi ay heshiiyeen, iyadoo ciidamada dowladda ay haatan ku sugan yihiin magaalada.
Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli gobolka Gedo uu wajahayo xaalad siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, iyadoo hadalka Janan iyo amarrada uu bixiyay ay muujinayaan in dhinacyada kala duwan ay isu diyaarinayaan marxalad cusub oo la xiriirta maamulka iyo amniga gobolka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · cabdirashiid · beledxaawo · janan