Wararkii ugu dambeeyay dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Baladxaawo
Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa ka socda Dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda oo ay kala wadaan Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo si toos ah u hoostagta Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Sabti 19 Sep 2026 {HMC} Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa ka socda Dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda oo ay kala wadaan Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo si toos ah u hoostagta Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland.
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, labada dhinac ayaa ku loolamaya maamulka Magaalada Balad Xaawo oo hadda gacanta ugu jirta ciidamo ka amar-qaata Cabdirashiid Janan oo heshiis la galay Maamulka Jubbaland inkasta oo aanay si buuxda u wareejin ciidankiisa.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale uu jiro kala xod-xodasho dhinaca ciidamada ah si uu dhinac weliba dhanka kale uga helo ciidamo usoo goosta isla markaana kala shaqeeya gacan ku dhigista maamulka Balad Xaawo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jirto cabsi ay ku muujinayaan isku dhac marweliba dhex mari kara ciidamada wada abaabulka iska soo horjeeda ee ku loolamaya gacan ku haynta Magaalada Balad xaawo ee Gobolka Gedo.
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamo katirsan kuwii la socday Cabdirashiid Janan ay diideen in ay u wareegsadaan dhinaca Maamulka Jubbaland kuwaas oo haysta hub iyo Gaadiid Dagaal ay ku sugan yihiin gudaha Magaaladaas.
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · socda · ciidan · dambeeyay
Keep reading
Live story thread
Open live story- Maxaa manta ka socda degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo
Raxanreeb Online
- Muxuu Cabdirashiid Janan ka wadaa Beledxaawo?
Caasimada Online
- Wararkii ugu dambeeyay geerida ku timid Boqorka Bartamaha iyo Xasan Kaafi Qoyste
Caasimada Online