Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud
Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, laguna dhaqmayo go’aannadii ka soo baxay gogoshii nabadeed ee ka dhacday degmada Balanballe, ayaa maanta magaalada Muqdisho laga soo dejiyey laba eedeysane oo kala ah Cabdi Maxamed Axmed iyo Daahir Tahliil Cigaal, kuwaas oo laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, laguna dhaqmayo go’aannadii ka soo baxay gogoshii nabadeed ee ka dhacday degmada Balanballe, ayaa maanta magaalada Muqdisho laga soo dejiyey laba eedeysane oo kala ah Cabdi Maxamed Axmed iyo Daahir Tahliil Cigaal, kuwaas oo laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud, iyagoo hubeysan.
Howlgalkan ayaa daba socda go’aannadii uu Taliyaha NISA ka soo saaray socdaalladii uu ku tagay degmooyinka iyo deegaannada ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaas oo maamulka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaannada hoos yimaada degmooyinka Guriceel iyo Balanballe ay isla garteen in tallaabo adag oo waafaqsan sharciga laga qaado cid kasta oo hub sharci darro ah ku dhex qaadata bulshada ama ku lug leh falalka amni-darrada iyo hurinta colaadaha.
Labadan eedeysane ayaa markii la qabanayey watay laba qori oo nooca AK-47 ah. Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa maanta ka soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in si degdeg ah loo horkeeno hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ku xoojinayso sugidda amniga, xasilinta deegaannada, ka hortagga hubka sharci darrada ah iyo xakamaynta colaadaha beelaha, iyadoo ujeeddadu tahay adkeynta nabadda, wada noolaanshaha iyo kala dambeynta bulshada.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.