Pakistan oo ugu dambeyn Soomaaliya guddoonsiisay diyaaradda casriga ee JF-17
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dhiggiisa Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz ka guddoomay haddiyad ay ka muuqayo diyaarad casriga ah ee JF-17 ah xilli Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan uu booqasho ku tagay…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dhiggiisa Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz ka guddoomay haddiyad ay ka muuqayo diyaarad casriga ah ee JF-17 ah xilli Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan uu booqasho ku tagay xarunta Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.
Guddoonsiinta diyaaraddan ayaa dhacday kaddib kulan dhexmaray labada taliye, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dib-u-dhiska iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Labada taliye ayaa sidoo kale is-weydaarsaday xog ku saabsan xaaladda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray baahiyaha mudnaanta leh ee dhinacyada tababarka, qalabka iyo horumarinta awoodda ciidamada cirka.
JF-17 Thunder waa diyaarad dagaal oo hal matoor leh, waxaana si wadajir ah u horumariyay Pakistan iyo Shiinaha. Diyaaraddan ayaa loogu talagalay inay fuliso hawlgallo kala duwan, oo ay kamid yihiin difaaca hawada, weerarrada dhulka iyo hawlgallada kale ee dagaalka.
Nooca JF-17 Block III ayaa ah nooca ugu casrisan ee diyaaraddan, waxaana lagu sameeyay horumarin dhinacyada radar-ka, nidaamyada avionics-ka, isgaarsiinta iyo awoodda ay u leedahay inay adeegsato hub casri ah.
Diyaaraddu waxay sidoo kale awood u leedahay inay qaaddo noocyo kala duwan oo hub ah, oo ay ku jiraan gantaallada hawada, gantaallada lagu weeraro bartilmaameedyada dhulka iyo bambooyinka, iyadoo ku xiran nooca hawlgalka loo adeegsanayo.
Booqashada Air Marshal Muhammad Sarfraz ayaa qayb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo xiriirka milatari ee Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo wafdiga Pakistan uu sidoo kale kormeer ku sameeyay xarunta Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Intii uu socday kormeerka, saraakiisha Pakistan ayaa la kulmay madaxda iyo saraakiisha ka howlgasha qaybaha kala duwan ee Taliska, iyagoo xog ka helay xaaladda iyo baahiyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Booqashada ayaa kusoo beegmaysa xilli wafdi sare oo ka socda dowladda Pakistan uu maalmahan ku sugnaa Muqdisho, halkaas oo ay kulamo gaar-gaar ah kula yeesheen madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay dadaal ugu jirtay sidii ay heli laheyd diyaaradda JF-17 oo ah mid casri ah.
Si kastaba, iskaashiga dhinaca milatariga ee Soomaaliya iyo Pakistan ayaa kamid ah arrimaha ay labada dowladood diiradda saarayaan, iyadoo kulamadan ay qayb ka yihiin qorshayaasha lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · pakistan · casriga · dambeyn
Keep reading
Live story thread
Open live story