Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Puntland iyo Galmudug oo ka wada hadlay amniga Gaalkacyo
Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Madaxtooyada Puntland ee Gobolka Mudug,… Sii akhri

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Madaxtooyada Puntland ee Gobolka Mudug, kaas oo looga hadlay xoojinta amniga, nabadda iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, waxaana kulanka ku weheliyay Wasiirka Amniga Galmudug, Aadan Warsame Cilmi. Sidoo kale, waxaa ka qeyb galay masuuliyiin heer Wasiir, heer Gobol iyo heer Degmo.
Masuuliyiinta ayaa si wadajir ah uga hadlay xaaladda amniga Gobolka Mudug iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga amni ee Puntland iyo Galmudug, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo nabad ay bulshada labada dhinac ku wada noolaato.
Kulanka kadib, masuuliyiinta ayaa lug ku maray dhinaca kale ee magaalada Gaalkacyo, taas oo muujinaysa muhiimadda ay labada dhinac siinayaan wada-shaqeynta, is-dhexgalka bulshada iyo xoojinta nabadda.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.