Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Puntland oo maxkamad saaraysa siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan
Golaha wasiirrada Puntland ayaa go’aamiyay in hay’adaha caddaaladda loo gudbiyo magacyada xubno siyaasiyiin, saraakiil iyo shaqsiyaad kale leh, kuwaas oo… Sii akhri

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Golaha wasiirrada Puntland ayaa go’aamiyay in hay’adaha caddaaladda loo gudbiyo magacyada xubno siyaasiyiin, saraakiil iyo shaqsiyaad kale leh, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin falal lagu khalkhal gelinayo amniga iyo nidaamka dowladnimada, si caddaaladda loo horkeeno.
Sidoo kale Golaha ayaa faray dhammaan hay’adaha amniga in aan gudaha deegaannada Puntland lagula dhex socon karin ciidan iyo gaadiid aan ka tirsanayn hay’adaha rasmiga ah ee amniga.
Goluhu wuxuu go’aamiyey in tallaabooyin waafaqsan sharciga laga qaado mulkiilayaasha iyo adeegsadayaasha baraha bulshada ee baahiya wararka aan xaqiiqda ku dhisnayn, laguna sumcad xumeeyo nidaamka dowladnimada Puntland.
Goluhu wuxuu ugu baaqay dhammaan warbaahinta iyo saxaafadda ka hawlgasha gudaha Puntland in ay ilaaliyaan xeerarka saxaafadda Puntland iyo anshaxa guud ee mihnadda saxaafadda.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.