Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Puntland oo si weyn u xustay 1-da Agoosto
Caasimadda Garoowe waxaa maanta ka dhacay dabaal-deg weyn oo lagu xusay sanad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo… Sii akhri

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Caasimadda Garoowe waxaa maanta ka dhacay dabaal-deg weyn oo lagu xusay sanad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Puntland oo ahayd sanadkii 1998.
Xuska oo lagu qabtay bartamaha magaalada Garoowe waxaa ka qayb galay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa, guddoomiyaha golaha wakiillada, madaxweynihii hore ee Puntland, ahna senator ka tirsan aqalka sare Cabdiraxmaan Faroole, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland iyo kumanaan shacab ah.
Cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo gaadiid ciidan oo badan ayaa dhoolatus iyo gaado ka ciyaar ku maray waddada bartamaha magaalada Garoowe.
Caawa ayaa lagu wadaa in ay Garoowe ka dhacdo munaasabad kale oo khudbado ka jeedin doonaan madaxda sare ee Puntland.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.