Maxaa ka cusub qaraxa lagu beegsaday taliyaha booliska Baydhaba?
Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka magaalada Baydhabo ayaa gacanta ku dhigay dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin qarax xalay ka dhacay magaalada, sida ay sheegeen saraakiil amni.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka magaalada Baydhabo ayaa gacanta ku dhigay dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin qarax xalay ka dhacay magaalada, sida ay sheegeen saraakiil amni.
Dhacdadan ayaa dhacday xilli Taliyaha Saldhiga Booliska Baydhabo, Cali Aadan Maxamed (Cali Taageey) uu kasoo baxay gurigiisa, isagoo ku sii jeeday saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Xero Jaad.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino dhulka lagu aasay oo lagu bartilmaameedsaday taliyaha, iyadoo ciidamada ammaanku ay markii dambe bilaabeen baaritaanno lagu raadinayo dadka ku lugta leh dhacdada.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa sheegay in dadka la qabtay ay kamid yihiin shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay wax ka og yihiin qaraxa.
Mid kamid ah dadka gacanta lagu dhigay ayaa si gaar ah loogu xiriirinayaa qaraxa, sida ay saraakiishu sheegeen, kaddib baaritaanno ay ciidamada ammaanku sameeyeen.
Baaritaanku weli wuu socdaa, waxaana saraakiisha ammaanku sheegeen in marka la soo gaba-gabeeyo ay faahfaahinta natiijada baaritaanka iyo sababta loo qabtay dadkaasi la wadaagi doonaan warbaahinta.
Si kastaba, dowladda iyo laamaha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin khasaaraha qaraxa, iyadoo indhaha lagu hayo natiijada baaritaanka socda iyo xogta rasmiga ah ee laga filayo inay kasoo baxdo dhacdada.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · taliyaha · booliska · beegsaday