Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Rabshadaha ka dhanka ah ajaanibta oo walaac ku abuuray Soomaalida Koonfur Afrika
Johannesburg – Iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada laga qabo rabshadaha ka dhanka ah ajaanibta ee Koonfur Afrika, Safaaradda Soomaaliya ayaa farriin u dirtay jaaliyadda Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ilaa 30-ka Juun 2026 uusan jirin wax go’aan cusub ama xaalad gaar ah oo si gaar ah u beegsanaya Soomaalida ama guud ahaan ajaanibta dalka ku […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Johannesburg – Iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada laga qabo rabshadaha ka dhanka ah ajaanibta ee Koonfur Afrika, Safaaradda Soomaaliya ayaa farriin u dirtay jaaliyadda Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ilaa 30-ka Juun 2026 uusan jirin wax go’aan cusub ama xaalad gaar ah oo si gaar ah u beegsanaya Soomaalida ama guud ahaan ajaanibta dalka ku nool.
Safaaraddu waxay sheegtay in dowladda Koonfur Afrika ay mar kale caddeysay inay ilaalinayso xuquuqda, karaamada iyo badbaadada dhammaan dadka ku sugan dalka, iyadoo aan loo eegin jinsiyaddooda ama xaaladdooda socdaal. Dowladda ayaa sidoo kale ku adkeysatay inaan la aqbali doonin falal naceyb ama takoor ku saleysan isir ama dhalasho.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa lagu boorriyey inay ka fogaadaan wararka aan la xaqiijin ee lagu faafiyo baraha bulshada, isla markaana ay ku kalsoonaadaan oo keliya xogta ka soo baxda hay’adaha rasmiga ah.
Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dowladdiisu si adag uga hortagi doonto isku day kasta oo lagu khalkhal gelinayo amniga iyo xasilloonida dalka, xilli ay jiraan baaqyo ku aaddan dibadbaxyo looga soo horjeedo muhaajiriinta.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.