Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Ardayda Soomaaliyeed Kula Dardaarmay Inay Aqoontooda Dalka Uga Faa’iideeyaan
MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qaybgalay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen arday Soomaaliyeed oo waxbarashada heerka sare ku soo dhammaystay Jaamacadda SIMAD, isagoo kula dardaarmay inay dalka iyo…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qaybgalay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen arday Soomaaliyeed oo waxbarashada heerka sare ku soo dhammaystay Jaamacadda SIMAD, isagoo kula dardaarmay inay dalka iyo dadka uga faa’iideeyaan aqoonta iyo xirfadaha ay barteen.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu horreyn hambalyo u diray maamulka iyo ardayda Jaamacadda SIMAD, isagoo ku ammaanay dadaalka dheer ee ay u dhabar-adaygeen si ay u gaaraan heerka ay maanta joogaan. Wuxuu sidoo kale ku ammaanay Jaamacadda SIMAD doorka ay ka qaadanayso casriyeynta waxbarashada sare ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Jaamacadda SIMAD ay qayb weyn ka qaadatay hirgelinta manhajka waxbarashada, cilmi-baarista wax-ku-oolka u ah bulshada iyo soo saarista arday ku hubeysan aqoon iyo xirfad tayo sare leh.
“Maanta waxa idiin furmay albaab cusub oo aqooneed. Haddii waxa aad soo barateen iyo marka aad albaabkaas gashaan ay is-khilaafaan, waa dhibaato weyn. Haddii ay waxbarashadu qofka beddeli weydo oo uu sidiisii iska ahaado, wixii uu samayn jirayna uu weli sii samaynayo, waxbarashadu qofka ma degin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in ardayda maanta qalin-jabinaysa ay xaqiijiyeen hadaf weyn oo ay lahaayeen, taasina ay ku timid samirka ardayda, dulqaadka waalidiinta iyo dadaalka macallimiinta wax soo baray.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · uga · soomaaliyeed · wasaare
Keep reading
Live story thread
Open live story- Prime Minister Hamza Calls on Graduating Students to Utilize Their Knowledge for the Benefit of Society
Goobjoog Somali
- Qurba-joogta Soomaalida oo si wayn uga soo dhex muuqanaysa siyaasadaha Caalamka
Somali National TV
- Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed
Somali National TV