Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in aysan wax dhaqaalo ah ka jarin Puntland iyo Jubbaland.
Arbaco 16 Sep 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadka 2025, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda XFS.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Arbaco 16 Sep 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadka 2025, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda XFS.
Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka, horumarka la sameeyay sanadkii 2025, dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda Qaranka iyo isbeddellada ku yimid taageeradii dhaqaale ee dibadda ka imaan jirtay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay jireen caqabado dhaqaale oo gudaha iyo dibadda ah, haddana adkaysiga shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka hay’adaha Dowladda ay door muhiim ah ka qaateen sii socoshada kobaca dhaqaalaha dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ku bixisay horumarinta hannaanka maaliyadda Qaranka, gaar ahaan kordhinta dakhliga gudaha, xoojinta daah-furnaanta, isla-xisaabtanka iyo hagaajinta maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha dalka.
“Dowladdu ma aysan siyaasadeyn, mana siyaasadeyn doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso Dowlad-goboleedyada. Sanadka 2025 wuxuu ahaa sanadkii dhaqaalaha ugu badan la siiyey Dowlad-goboleedyada.” Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dib-u-habaynta dhaqaalaha, lana abuuro jawi ku habboon maalgashi gudaha iyo mid dibadeed, iyada oo la xoojinayo shuruucda iyo siyaasadaha hagaya dhaqaalaha iyo maalgashiga. See less
The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in aysan wax dhaqaalo ah ka jarin Puntland iyo Jubbaland. appeared first on HMC Somalia News .
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · iisul · jubbaland · sheegay
Keep reading
Live story thread
Open live story