Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Robots humanoid ah oo loo adeegsan karo ilaalinta xuduudda
Shirkad Mareykan ah ayaa soo jeedisay in robots humanoid ah mustaqbalka loo adeegsado ilaalinta iyo sahminta xuduudda koonfureed ee Mareykanka, gaar ahaan meelaha adag ee ay khatar ku noqon karto in ay galaan saraakiisha. The post Robots humanoid ah oo loo adeegsan karo ilaalinta xuduudda first appeared on Radio Dalsan .

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Shirkad Mareykan ah oo soo saarta robots-ka humanoid-ka ah ayaa sheegtay in robot-keeda Phantom mustaqbalka loo adeegsan karo ilaalinta iyo sahminta xuduudda koonfureed ee Mareykanka, gaar ahaan dhulalka adag ee ay ku adkaan karto in ay maraan askarta, gaadiidka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Aasaasaha iyo madaxa shirkadda Foundation, Sankaet Pathak, ayaa sheegay in shirkaddu ay tiknoolajiyadan horey ugu soo bandhigtay saraakiil ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka, DHS.
Hase yeeshee, qorshahan weli ma gaarin heer heshiis rasmi ah. DHS waxay sheegtay inaysan hadda la lahayn Foundation heshiis rasmi ah, barnaamij tijaabo ah ama qandaraas firfircoon oo ay shirkaddu si toos ah ula leedahay waaxda.
Pathak ayaa sheegay in Foundation ay wadahadallo la leedahay hay’ado dhowr ah oo ka tirsan amniga qaranka Mareykanka, oo ay ku jiraan Ciidanka Cirka, Ciidanka Badda, Ciidanka Dhulka iyo DHS. Shirkaddu waxay rajaynaysaa in robots-ku mustaqbalka ay qabtaan hawlo ay hadda dadka ama qalabka kale ku adkaato inay si joogto ah u fuliyaan.
Phantom waxaa loogu talagalay inuu si iskiis ah ugu dhaqaaqi karo dhul aan sinnayn, uu kala saari karo dadka iyo caqabadaha kale, isla markaana uu sameyn karo khariidad ku saabsan deegaanka uu ku shaqeynayo.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.