Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
RW Xamse oo Hal Fariin u diray Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Hayadaha Caalamka.
Sabti 22 Aug 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, kaasi oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha dalka iyo cabsida laga qabo fatahaado culus oo ay sababaan Roobabka Dayrta oo la filayo in ay dhowaan […] The po

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Sabti 22 Aug 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, kaasi oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha dalka iyo cabsida laga qabo fatahaado culus oo ay sababaan Roobabka Dayrta oo la filayo in ay dhowaan ka bilowdaan qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddiga looga baahanyahay in ay bulshada Soomaaliyeed ka wacyigaliyaan Khataraha ka imaan kara fatahaadaha, kuwaas oo dhibaato kasoo gaarto dadka ku dhow wabiyada iyo dhulka biyo-mareenka ah, ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah iyo isku dubarridka deeqaha iyo abaabulka bulshada.
Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan u diyaar-garowga ka jawaabista masiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah iyo qorshaha lagu wacyigalinayo bulshada ku hareeraysan wabiyada iyo dhulka hoose ee halista ugu jira in ay saameeyaan fatahaadaha Roobabka.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa faray guddiga in ay xoogga saaraan isku duwidda howlaga gurmadka, abaabulka deeq-bixiyayaasha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeyb-qaadanaya badbaadinta dadka ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha soo noq-noqda.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.