Soomaaliya iyo Pakistan oo ka wada hadlay horumarinta Ciidanka Cirka
Muqdisho, 22 Sebteembar 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka,…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho, 22 Sebteembar 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinacyada difaaca iyo amniga, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, tayaynta awooddiisa iyo kobcinta tababarrada ciidanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey wafdiga Pakistan booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixinayso dhismaha, tababarka, tayaynta iyo qalabaynta Ciidamada Soomaaliyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan horumarinta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo tayaynta guud ee hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · soomaaliya · pakistan · cirka
Keep reading
Live story thread
Open live story- Soomaaliya iyo Pakistan oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo tayeynta Ciidanka Cirka
Goobjoog Somali
- Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya oo Mareykanka kala hadlay arrimo xasaasi ah
Caasimada Online
- Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed
Somali National TV