Safiirka Suudaan oo la arkay isagoo kaligiis dhex socda Muqdisho + Video
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Suudaan u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Axmed ayaa maanta qaaday tallaabo hadal-heyn dhalisay, kadib markii la arkay, isagoo kaligiis dhex socda mid kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Suudaan u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Axmed ayaa maanta qaaday tallaabo hadal-heyn dhalisay, kadib markii la arkay, isagoo kaligiis dhex socda mid kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Muuqaalka safiirka Suudaan ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada, isagoo hor taagan maqaayad ay Muqdisho ku leeyihiin muwaadiniin Suudaanees ah, waxaana muuqda hal gaari iyo darawalka safiirka oo kaliya.
Danjiraha ayaa sidoo kale dalab ka qaatay maqaayadda, isagoo ganacsatada reer Suudaan ee uu la kulmay ku dhiirageliyay ganacsigooda.
Tallaabada safiirka Suudaan ayaa lagu tilmaamay mid xujo ku ah siyaasiyiinta iyo diblumaasiyiinta wata gawaarida iyo askarta faraha badan ee hubeysan, kuwaas oo muujinayo in weli khatar amni ay ka jirto magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa sidoo kale muujineysa amniga wanaagsan ee haatan ka jira caasimada dalka, kaas oo wax badan laga qabtay sanadihii ugu dambeeyay.
Haddaba sidee looga fal-celiyay tallaabada safiirka Suudaan?
Qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga fal-celiyay arrinta cajiibka ah ee uu sameeyay Danjire Cabdulraxmaan Khaliil Axmed, maadaama uu diray farriin cad oo la xiriirta amniga ka jira Muqdisho.
Dadka ka fal-celiyay muuqaalka ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in safiir ka yimid dal kale uu sidaan ugu kalsoonaado amniga magaalada Muqdisho, halka weli siyaasiyiinta dalka ay wataan gaadiid iyo askar badan.
Cabdixayi Shaafi: “Waa tallaabo wanaagsan oo tusinaysa amniga ay caasimadu ku talaabsatay, lkn waxaa wax laga xumado ah in siyaasiyiinta Soomaalidu ay ka xunyihiin amniga dalka”.
Ayuub Maxamuud: “Suudaaniyiiinta allaha sharfo waa dad qiimo badan wax weyna inaga dhexeeyaan”.
Cabdiraxmaan Muumin: “Sida ay u faraxsan yihiin m.a aad iyo aad ayey u jecel yihiin Soomaalida waa karaameeyaan”.
The post Safiirka Suudaan oo la arkay isagoo kaligiis dhex socda Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online .
Context and open questions
Reader briefing
Article context
What happened
- The Sudanese ambassador to Somalia, Abdulrahman Khalil Ahmed, was seen walking alone in a street in Mogadishu, which has generated discussions about security in the city.
Key claims
- The Sudanese ambassador to Somalia, Abdulrahman Khalil Ahmed, was seen walking alone in a street in Mogadishu.
- The ambassador's actions have sparked discussions on social media regarding security in Mogadishu.
- Some social media users expressed skepticism about the ambassador's confidence in Mogadishu's security.
Source limitations
- The article does not provide independent verification of the ambassador's actions.
- There is no response from Somali politicians regarding the ambassador's actions.
- The article relies on social media reactions without independent confirmation.
Reader takeaway
The sighting of the Sudanese ambassador walking alone in Mogadishu raises questions about the current security situation in the city.
What remains unclear
- What specific security measures are in place in Mogadishu that allow for such actions?
- How do local politicians view the ambassador's actions in relation to their own security measures?
- What impact might this incident have on diplomatic relations between Sudan and Somalia?
Why it matters
The article does not provide enough independently verified detail to assess the specific significance of this event beyond what is reported.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · safiirka · suudaan · dhex
Keep reading
Live story thread
Open live story