Shariif oo looga digay go’aan la mid ah kii Jeneraal Caydiid
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si adag uga hadlay mowqifka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ku aaddan muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo uga digay in uusan qaadin waddo uu ku tilmaamay mid dalka gelin karta khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraada. Qoraal uu soo […] The post Shariif oo lo

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si adag uga hadlay mowqifka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ku aaddan muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo uga digay in uusan qaadin waddo uu ku tilmaamay mid dalka gelin karta khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraada.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, Cosoble ayaa Shariif Sheekh Axmed la barbar dhigay marxaladihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay horraantii burburkii dowladdii dhexe, gaar ahaan khilaafkii u dhexeeyay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed.
Cosoble ayaa sheegay in Caydiid uu sanadkii 1991 diiday in Cali Mahdi uu labo sano madaxweyne ka ahaado Soomaaliya, balse ay taasi ugu dambeyn keentay in Cali Mahdi uu sii ahaado madaxweyne ilaa sanadkii 2000, xilli dalka uu galay dagaallo sokeeye iyo burbur siyaasadeed oo daba dheeraaday.
“Jen Caydiid waxa uu sanadkii 1991 diiday labo sano oo uu Cali Mahdi madaxweyne ka ahaado Soomaaliya. Waxay dhashay Cali Mahdi inuu ahaa madaxweyne ilaa iyo sanadkii 2000,” ayuu yiri Cosoble.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.