Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo ka Jawaabidda Saamaynta El-Niño ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Hay’adda…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo ka Jawaabidda Saamaynta El-Niño ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).
Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay u-diyaargarowga fatahaadaha iyo saameynta laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka El-Niño, iyadoo la isla eegay qorshayaasha ka-hortagga iyo yareynta khataraha fatahaadaha, ilaalinta nafta iyo hantida bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka degdegga ah.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo diyaar-garowga, isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo kuwa samafalka iyo in la diyaariyo agabka iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · kulan · madoobe · saamaynta