Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Mudane Gordan Grlić Radman, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Yurub ee Jamhuuriyadda Croatia, iyadoo kulankaasi uu qabsoomay xilli ay socotay Madasha Dubrovnik Forum, si looga wada hadlo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada [

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Mudane Gordan Grlić Radman, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Yurub ee Jamhuuriyadda Croatia, iyadoo kulankaasi uu qabsoomay xilli ay socotay Madasha Dubrovnik Forum, si looga wada hadlo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Intii uu kulanku socday, labada Wasiir waxay kala saxiixdeen Is-afgarad (Memorandum of Understanding) oo ku saabsan Wadatashiyada Siyaasadeed, kaas oo dhigaya hannaan rasmi ah oo lagu joogteynayo wada-hadallada siyaasadeed, laguna xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.
Labada Wasiir waxay si diirran u soo dhaweeyeen horumarka muuqda ee laga
gaaray xiriirka labada dal tan iyo kulankoodii ka dhacay magaalada Brussels bishii Nofeembar 2025, oo ay ka mid ahayd aqbalidda Safiirkii ugu horreeyay ee aan degganayn ee Soomaaliya u qaabilsan Croatia. Waxay sidoo kale dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Croatia.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.