Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis isgaarsiineed
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Turkiga (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad ah… Sii akhri

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Turkiga (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad ah (MoU) oo la xiriira iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.
Hay’adahan ayaa la sheegay in ay iska kaashan doonaan nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, maareynta hirarka, hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband), amniga, adkaysiga shabakadaha, adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo qoddobo kale oo nidaamineed oo la xariira isgaarsiinta elektaroonigga ah.
Heshiiska is-Afgaradka ah waxaa xarunta dhexe ee Hay’adda BTK ee Ankara, ku saxiixay Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya, iyo Ömer Abdullah Karagözoğlu, Guddoomiyaha Hay’adda Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta ee Turkiga.
PUNTLAND POST
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.