Soomaaliya iyo Turkiga oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca
Soomaaliya iyo Türkiye ayaa sii xoojinaya iskaashiga dhinaca difaaca, iyadoo Ankara ay taageero tababar siineyso Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed si loo horumariyo awooddooda.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Soomaaliya iyo Turkiga oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca.
Khamiis, 24 Seb 2026 {HMC} Soomaaliya iyo Türkiye ayaa sii xoojinaya iskaashiga dhinaca difaaca, iyadoo Ankara ay taageero tababar siineyso Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed si loo horumariyo awooddooda.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socday milatariga Türkiye, kaas oo uu hoggaaminayay Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan, Taliyaha Saldhigga Tababarka TURKSOM.
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) ayaa sheegtay in kulanka oo dhacay Isniintii diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Türkiye.
Wasiir Fiqi ayaa muujiyay muhiimadda uu TURKSOM u leeyahay horumarinta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed, wuxuuna uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay ka geysaneyso xoojinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · iskaashiga · difaaca · xoojinaya
Keep reading
Live story thread
Open live story